Guddiga Doorashada Qaran ee Soomaaliya ayaa soo saaray Buug ku saabsan erey bixinta Doorashooyinka.
Guddigan oo ay madax ka tahay haweeneyda Xaliimo Maxamed Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa muddooyinkii danbe ku jiray safarro dibadeed iyo seminaaro, waxaana buugan oo ah Qaamuus erey bixin ay markii ugu horeysay la wadaageen wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating.
Guddigan oo Baarlamaanka Soomaaliya uu hore u ansixiyay ayaa laga wareejiyay doorashooyinkii ugu danbeeyay, waxaana jira in maamul Goboleedyada intooda badan ay ka horjeedaan qaab dhismeedkiisa.