Tuesday, July 1, 2025

Guddiga Doorashada Qaran oo u jawaabay Beesha Caalamka, Dalab 6 Qodob ahna u diray Baarlamaanka Somalia [Akhriso]

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa qoraal jawaab ah oo uu soo saaray ugu mahadceliyey Beesha Caalamka taageerada iyo sida ay uga ka go’an tahay inay is garab istaagaan Guddiga iyo howlgalka doorashada 2020/2021.

Guddigu ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay inuu diyaariyay howlaha farsamo ee muhiimka u ah u diyaar garawga hirgelinta doorashada. Wuxuuna dalbaday in Guddiga la siiyo arrimaha muhiimka u ah doorashada sida diyaarinta miisaaniyadda doorashada, sugidda amniga goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta, dhameystirka sharciyada lagama maarmaanka ah gaar ahaan sharciga doorashooyinka in Golaha Shacabku ansixiyo waqtigii lagu ballamay.

Waxaa kaloo Guddigu rajo ka muujiyey in nidaamka Doorasho ee ku soo baxa sharciga Doorashada uu noqdo mid la fulin karo oo tixgelin gaar ah la siinayo arrimahan soo socda:

1. In nooca doorashada la waafajiyo mabaadida Dastuurka JFS, iyo Sharciga Axsaabta

2. In hirgelintiisu ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta ka qaybgalaya doorashada (tartame iyo codbixiye).

3. In aan GMDQ la saarin mas’uuliyad fulinteedu adag tahay sida soo saaridda habraaca astaynta deegaan doorashada iyo dhowrista qoondada dumarka.

4. In nooca doorasho uusan horseedin khilaaf iyo dagaal, ilaaliyana midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

5. In uu ilaaliyo xaquuqda dhallinyarada, dadka baahiyaha gaar ah qaba iyo dadka aan hadda baarlamaanka metelaad ku lahayn.

6. In GMDQ la siiyo fursad uu ku xulan karo nooca diiwangelinta codbixiyaha haddii uu arko in uu la jaanqaadi karo duruufaha ku xeeran ama saamaynta ku yeelan kara hawlaha doorashada.

Ugu dambayn wuxuu Guddigu codsaday in Guddiga lagu garab istaago waajibaadkiisa dastuuriga ah, lana siiyo tixgelin duruufaha uu ku shaqaynayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON