Gddiga Farsamada Maamul u dhisidda Galmudug ayaa aqbalay 20-ka Xildhibaan ee ugu horeeya Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo ay soo gudbiyeen kooxda Ahlu sunna.
Xildhibaannada Ahlu suna ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee Galmudug, waxaana qoraal kasoo baxay Guddiga lagu sheegay in xildhibaannada harsan ee 69-ka ah degdeg loo soo xuli doono, iyadoo arrintan ay ka danbeysay heshiis dhex maray Beesha Ceyr oo ogolaaday xubnaha ay soo xushay Ahlu-suna.
Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Galmudug C/naasir Geelle ayaa liiska 20-ka xildhibaan ka guddoomay Madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA




