Tuesday, July 1, 2025

Guddiga Farsamada ee Khilaafka Doorashada oo shir uga furmay Baydhaba iyo kaalinta Beesha Caalamka

Waxaa magaalada Baydhaba ee maamulka K/Galbeed ka furmay shirkii Guddiga Farsamada ee xal u helidda khilaafka Doorashooyinka, iyadoo ay Beesha caalamka soo qabanqaabisay shirkan.

Guddigan oo kala socda Xukuumadda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir shirkooda magaalada Baydhaba, uga arrinsanaya qodobada la isku mari waayey ee fashiliyey shirkii Dhuusamareeb 4.

Xogta laga helay shirka Baydhaba ayaa sheegaya in shirkan ay gacan weyn ku leedahay Beesha Caalamka, iyadoo sidoo kale isku xireysa madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka; waxaana socda dadaal kale oo xal loogu helayo arrinta Gobolka Gedo oo ah tan ugu adag ee hortaagan Doorashada 2021.

Guddiga qaarkood ayaa lagu wadaa inay tagaan magaalada Garbahaarey, oo ay kulan kula yeelan doonaan dhinacyada bulshada iyo maamulka Gobolka Gedo si ay xogogaal ugu noqdaan xaaladda magaaladaasi la isku heysto.

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 3 people, people standing, people sitting and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON