Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka oo shir uga furmay Muqdisho [Ajendayaasha looga hadlayo. -Akhriso]

Waxaa maanta Duhurtii ka furmay xarunta Villa Hargeysa kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanak Soomaaliya, kasoo looga hadlayo dejinta ajendayaasha Baarlamaanka horyaalla ee kalfadhiga furan.

Waxa shirka guddoomiyaha Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana ka qeyb galaya guddoomiyeyaasha Guddiyada Baarlamaanka iyo guddoonka, iyadoo kulanka uu noqon doono mid adag, kadib mooshino culus oo la filayo inay la hor keeno kadib marka dib loo furo Baarlamaanka.

Ajendaha kulanka Guddiga joogtada ah ayaa waxaa ka mida: mudeynta dib u furida kulamada golaha baarlamaanka, Dejinta ajendayaasha golaha shacabka iyo warbixinta dhismaha cusub ee xarunta KMG ee Golaha Shacabka ee laga dhisayo xarunta Villa Hargeysa.

Ad

Mooshinada la hadal hayo in baarlamaanka ay ku soo socdaan waxaa ka mida: Mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya oo ku sugan Somalia, mooshin kale oo laga wado guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka iyo kuwo kale.

Shirka Baarlamaanka ayaa lagu dhawaaqay in dib loo furay 15-ka June 2019 oo ku beegan sabtida soo socota.

No photo description available.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

126,029FansLike
1,064FollowersFollow
3,196FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!