Wednesday, June 25, 2025

Guddiga Qabanqaabadda Aaska Qaran ee marxuum C/raxmaan Xoosh oo la magacaabay [Akhriso]

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay Guddi heer wasiirro ah oo qabanqaabinaya Aaska Qaran ee magaalada Muqdisho loogu sameynayo Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaallada Dubai ee Imaaraadka Carabta.

Guddiga Aaska marxuum Wasiir Xoosh waxaa guddoomiye u ah Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka mida lix Wasiir oo ka mida xukuumadii uu ka tirsanaa.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA WASIIRADA

1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed

2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad

3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow

4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre

5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle

6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi

7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi

Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka Soomaaliya

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON