Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorshooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyin guddoonsiiyey 7 xisbi oo cusub oo ka mid noqon doona xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah u diiwaan-gashan.
Xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiiyey xisbiyada cusub ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee Guddiga, iyadoo la shaaciyey magacyada xisbiyada cusub, waxana tirada xisbiyada diiwaan gashan ay gaartay 70 xisbi siyaasadeed. Xisbiyada cusub maanta la guddoonsiyey shahaadooyinka waxay kala yihiin:
1- Xisbiga Isbahaysiga Caddaaladda & Sinaanta,
2.-Xisbiga Samata-bixinta Ummadda Soomaaliyeed,
3- Xisbiga Caddaaladda & Dib-udhiska Soomaaliyeed,
4- Xisbiga Wadatashi Qaran,
5-Xisbiga Horseed,
6- Xisbiga Midnimadda Maandeeq
7- Xisbiga Horumarinta Amniga & Dimuquraadiyada.