Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa go’aan ka gaaray Kursigii uu kusoo baxay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin C/llaahi Farey.
Qoraal uu soo saaray Guddiga ayaa lagu caddeeyay in Doorashadii Kursiga HOP067 uu ku dhacay si sharci ah, kadib baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen dacwad laga gudbiyay kursiga oo muran weyn k ataagnaa.
Go’aankan ayaa dad badan u arkaan inuu luminayo kalsoonidii laga qabay inuu yahay guddi dhexdhexaad ah oo kala saari kara murranada ka dhasha doorashada Dadban.
1- Aybakar Gaab Macalin ivo Maxamed Cade Macalin oo ah reerka uu soo dacwooduhu ku abtirsado.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu sheegay in kursigaas qaabka loo doortay ay dacwad ka keenay Axmed Cabdikariin Cali iyo Cali Xasan Cali, isla markaana Guddiga uu baaritaanka dacwadda uu sameeyay inta u dhaceeysay 24/11/2021 ilaa 14/12/2021 kaidb markii Axmed Cabdi Kariin Cali uu ku dooday in guddiga doorashooyinka ay u diideen inay diiwaan geliyaan iyo In kuraasta Beesha Wacaysle aan loo qaybin doorashadii 2016-kii qab waafaqsan habkiî Beesha wax u qeybsan jirtay, balse loo qaybiyay qaab ka duwan habkii jufooyinka Beeshu wax u wadaagi jireen, wuxuuna tusaale u soo qaatey in habka wax qaybsiga Beesha Wacaysle uu yahey afar qaybood iyo rubac (4.25) oo ah.:
2. Marooyin oo ah qaybta haysata kursiga HOP#067 hadana ku tartamay.
3. Qaybta Cali-gaaf, Jibraa’il ivo Ogaale Cumar oo ah qaybta haysata kursiga HOP#137.
4.Absuge Cabdiraxmaan Saleyman iyo Dhagaweyne oo ah qeybta haysata kursiga
Aqalka Sare iyo kursiga Golaha Shacabka ee HOP#064.
5. Rubac Qayb: oo ah Cabdi Macalin Dhiblaawe.
Wuxuna ku doodey in qaladka jira uu yahey in hal qayb oo ka mid ah afarta qaybood ay isku qaateen labo kursi oo kala ah kursi Aqalka Sare iyo kursi Golaha shacabka, halka aysan waxba qaadan qaybta Maxamed Cade Macalin iye Aybakar Gaab Macalin_taas oo keentay in ay xaqoodii matalaada ee aybku lahaayeen kuraasta Beesha Wacaysle ku waayeen qaabkii loo qaybiyay Doorashadii 2016di.
Hayeeshee dacweysanaha asagoo ka jawaabaya eeda loo soo jeediyay ayaa ku dooday in Kursi HOP#067 uu ku qoran yahey Beesha Marooyin sidaa darteedna aysan u tartami karin qof aan Beeshaas aheyn.
Guddiga Xallinta Khilafanadka Doorashooyinka Dadban waxay Baaritaan ku sameyeen:
Sooyaalka kursiga HOP#067 si loo hubiyo sugnaanta jawaabta dacwaysanaha (Guddiga Maamulka Doorashooyinka Galmudug) Guddiga wuxuu baaritaan ku sameeyay taariikhda kursigan, ee doorashooyinkii dhacay laga soo bilaabo 2004tii waxaa u soo baxdey in Beesha Marooyin/ Wacaysle ay ku lahaan jireen Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan sida ka muuqata qoraalada rasmiga ah (Documents) ee doorashadii 2016-dii, kaas oo ku matalayay Beesha Marooyin Cadow Cali Axmed lana doortay sanadkii 2016
Sidoo kale Guddigu markii ay baareen qoraalada rasmiga ah (Documents) ee kursiga HOP#067 waxaa u cadaatey in qoraaladii kursigaan ee doorashadii 2016-kii uu ku qoran yahey magaca Beesha Marooyin/ Wacaysle.
3- Waxaa kale oo Guddigu uu baaritaan ku ogaaday in qaybta isku haysta labada kursi ee kala ah kursiga Aqalka Sare iyo kursiga Golaha Shacabka HOPHO64 ay tahey qaybta Absuge.
Cabdiraxmaan Saleemaan iyo Dhagaweyne balse aysan aheyn Beesha Marooyin oo haysata hal kursi oo ah Golaha Shacabka oo lambarkiisu yahay HOP#067.
Sidoo kale guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka waxaa ay sheegeen inay baaritaan ku sameeyeen habka loo maray ergooyinka doortay kursiga HOP67 , sidaas daraadeed doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee uu kusoo baxay Yaasiin Fareey ay tahay mid sax ah.




