Friday, June 27, 2025

Guddigii shaqada joojiyey ee Xeerarka Doorashooyinka oo Dib u bilaabay kulamadii Beesha Caalamka.

Guddoonka labada aqal ee Baaralmaanka, loona magacaabay diyaarinta Xeerarka dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhowaan shaaciyey inay shaqadii hakyeen cudurka Coronavirus dartiis ayaa kulan ka bilaabay Garooonka Muqdisho.

Guddigan ayaa shalay Hotelka DECALE ee Garoonka Muqdisho ku dhex yaalla ay kulun kula yeesheen Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi oo ay kala hadleen shaqada Guddiga iyo taageerada ay u baahan yihiin.

Guddiga ayaan la ogeyn inuu ka laabay shaqo joojintii uu ku dhwaaaqay inay kulamadan ahaayeen kuwo gaara, waxaase la sheegay inuu Guddiga balanqaad taageero ka helay, ayna ka taageeri doonaan shaqadooda.

Guddigan Dhammeystirka xeerarka Sharciga Doorashooyinka ayaa intii la magacaabay bishii Maarso wuxuu kulamo la yeelanayey Wakiilada Beesha Caalamka, wuxuuna hore ula soo kulmay, Wakiilka Q/Midoobay, Safiirka Mareykanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON