War-murtiyeed ay wadajir u soo saareen Guddiga dib u eegista Dastuurka iyo Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka ayaa ku qaadaceen shirweynaha dib u eegista Dastuurka ee berri ka furmaya magaalada Muqdisho.
Labadan Guddi ayaa wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay inay afduubtay howshii Dastuurka, isla markaana ay awood maroorsi ku dhaqmeyso iyadoo dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah ugu digay inay ka qeyb galaan shirkaasi.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu shirka xukuumadda baal marsan yahay Dastuurka KMG ah iyo habraaca dib u eegista dastuurka. Lama oga in go’aankan uu ku gaar yahay guddoomiyeyaasha guddiyadan ee Cabdi Qeybdiid iyo inay u dhan yihiin xubnaha guddiga.
HOOS KA AKHIRSO WAR-MURTIYEEDKA WADAJIRKA AH