Friday, July 18, 2025

Guddiyada Doorashada oo isku dhacay & Amarro kala duwan oo Garowe kasoo baxay 4 saac gudahood

Gudiyadda Doorshada Dadban ee heer Federaalka iyo Guddiga Doorashada heer goboleed ee Puntland ayaa waxba kama jiraan ka dhigay amar maanta ka soo baxay Guddiga xalinta khilaafaadka.

Shir jaraa’id oo  caawa shir ay ku qabteen magaalada Garowe ayaa si wadajir ah u shaaciyay inaysan wax kasoo qaad lahayn amarradii ay soo saareen guddiga xalinta khilaafaadka ee Puntland oo joojiyay doorashada shan beelood. (Akhri warkan)

Labada Guddi ayaa  sheegay in sidii loogu talogalay u dhici doonto, isla markaana aan wax isbedel ah jirin, iyadoo meel la iska dhigayo warkii lagu hakiyay shan beelood in lagu tartamo kuraasta ay ku leeyihiin Aqalka hoose.

Guddiga xalinta khilaafaadka Puntland ayaa lagu eedeeyay inaysan awood u lahayn joojin doorasho, waxaana arrintan ay noqoneysaa isku dhicii ugu horeeyay ee ku yimaada Guddiyada ku howlan doorashada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON