Wednesday, June 25, 2025

Guddiyada Joogtada ah ee labada Aqal ee Baarlamaamka oo shirkoodii ugu horeeyay yeeshay

Kulankani oo ah kii ugu horreeyey oo ay isugu yimaadaan gudiyada joogatda ah ee labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay a Muqdisho.

Waxaa si wadajir ah u shir guddoominayay labada guddoomiye ee Golayaashasi Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi C/llaahi ayadoo loogu hadlayay sidii loo dardargelin lahaa wadshaqeynta guddiyadaasi.

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare  Cabdi Xaashi C/llaahi oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegey in muhiim ay tahay wada shaqeynta labada guddi.

Muddane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xusay in looga baahan yahay labada guddi ee joogtada ah in ay diyaariyaan qorshaha howleedka ay ku wadashaqeynayaan si loo dardargeliyo howlaha horyaala baarlamaanka Soomaaliya.

SourceSONNA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON