Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland ayaa ku gacan seyray go’aankii Guddiga xalinta Khilaafaadka ay ku laalay laba kursi oo lagu doortay Magaalada Garowe.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Puntland Khaliif Aw-Cali oo ayaa sheegay inaysan waxba ka quseynin go’aanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka isla markaasina go’aankaasi waxba kala socon oo xiriir aan lagala soo sameyn.
Khaliif Aw-Cali ayaa ku dooday in dhammaan xubnaha lagu doortay Magaalada Garowe ay yihiin kuwo si cadaalad ah ku soo baxay oo dunida oo dhan lagala socday si toos ah wax dhibaato ahna aanay ka jirin.
Waa maamulkii saddexaad ee si toos ah uga hor yimaada go’aanada Guddiga Doorashada iyo Guddiga xalinta khilaafaadka, waxaana hore tallaabadan oo kale u qaaday Guddiyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Goobjooge.com