Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo soo farageliyay xaaladda ka taagan magacaabidda Golaha Wasiirada cusub

Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay muranka ka taagan golaha wasiirada dhowaan uu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa baaq u jeediyey Baarlamaanka wuxuu ku sheegay inay ansixiyaan, xalna ka gaaraan meelmarinta Golaha wasiirada csuub, wuxuuna dalbaday in la joojiyo khilaafka iyo kooxeysiga, loona tanaasulo danta ee umadda.

Wuxuu u sheegay xildhibaanada Baaralmaanka inay fursad ay ku shaqeyso siiyaan xukuumadda cusub,  kadibna lala xisaabtamo oo haddii ay waxqabad la imaan weydo kadib tallaabo la qaado.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa wax aan habooneyn ku tilmaamay diidmada laga horkeenayo xukuumadda la magacaabay ee aan waxqabadkeeda la arkin.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Xukuumadda cusub oo magacaaban ku dhowaad laba toddobaad ayaa gashay marxlad adag oo lagu kala qeybsan yahay taageerid iyo wax ka bedel.

Aqalka sare ayaa ku guuldarreystay inuu go’aan uu u dhan yahay kasoo saaro arrintan kadib markii ay isku qabteen oo xubno ka mida ay fowdo ka dhaliyeen kulan ay dhowaan ka yeesheen arrintan.

Waxaa muuqata in guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka  ay ku kala aragti duwan yihiin xukuumadda cusub  ee Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON