Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in si sharci ah ay u dhacday xil ka qaadistii ay madaxweynaha Galmudug ku sameeyeen xildhibaannada Baarlamaanka maamulkaasi.
Cali Gacal ayaa sheegay in xildhibaannada magacyadooda iyo kaararkooda la hubiyay isla markaana ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo xabsi guri ku jira xarunta Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegay inay muddo bil gudaheed ah ku soo dooran doonaan mdaxweyne cusub.
Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug iyo xildhibaanno la jira oo taageersan Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Xaaf ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid fowdo ah.