Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu shir gaara uga socdo hotel ku yaalla magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.
Shirkan ayaa imaanaya toddobaad kadib markii uu Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh qabtay Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha, kaasoo ay ka hor yimaadeen labada ku xigeen C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad.
Shirkan ayaa ka socda Hotel Pradise ee magaalada Muqdisho, waana shir u gaara saddex nin ee ah guddoonka Baarlamaanka, iyadoo la sheegay inay soo qabanqaabiyeen dhinacyo kala duwan oo waanwaan ka dhex waday.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..