Tuesday, June 24, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mohamed Ali Xamoud ayaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka socda Dowladda Jabuuti, waxaana qabanqaabo ka socotaa garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo lagu soo dhaweynayo wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaanada iyo Guddoonka ay ka qeyb qaadanayaan soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Waxaa la filayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti uu khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka Sabtida, iyadoo xildhibaanada Soomaaliya lagula dardaarmay inay soo xaadiraan kulanka Sabtiga oo ah mid aan  caadi ahayn.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON