Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr. Cali Saciid Faqi ayaa magaacaabay xubnaha Guddig xildhibaanada ee maamulaya Doorashada Sentoorada Aqalka Sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed.
Guddiga xildhibaannada K/Galbeed ee maamulaya doorashada Aqalka Sare oo maamulka Koonufr Galbeed ay kasoo galaan 8 Senator ayaa ka kooban 11 xubnood xildhibaan oo la shaqeyn doona Guddiga Doorashada K/Galbeed.
Maamulka K/Galbeed ayaa ka mida kuwa ugu horeeya ee qabanaya doorashada Aqalka Sare, waxaana ka horeeya Jubbaland oo lagu wado inay noqoto maamulka ugu horeeya ee qabta Doorashadaasi.

HOOS KA AKHRISO
