Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh ayaa xalay hoygiisa magaalada Muqdisho casuumaad ugu sameeyay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxweynayaashii hore oo hoggaaminaya Madasha Xisbiyada mucaaradka ayaa looga hadlay iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta labada dhinac, iyadoo kulanka uu yimid kadib markii uu Baarlamaanku ansixiyey Sharciga Doorashada 2020/2021.
Arrinta ugu weyn ee labada dhinac ka doodeen ayaa ah qodob ka mida Sharciga Doorashada, kuna saabsan muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda hadda jirta oo si weyn ay uga horjeedeen xisbiyada mucaaradka, waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan tallaabo kasta oo muddo kordhin keeni karta.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan ka dhex muuqan qorshaha doorashada, waxaana la sheegay inuu weli ku dhegan yahay qorshaha doorashada liiska xiran oo madaxweynaha ay shacabka soo dooranayaan.


