Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddi lagu magacaabo Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga.
Guddigan ayaa ka kooban 15 xildhibaan (11 Golaha Shacabka iyo 4 Aqalka Sare), iyadoo wareegtada lagu magacaabay Guddiga lagu sheegay inuu Guddoomiye Sheekh Aadan la tashaday Guddoomiyaha Aqalka Sare, sidoo kale lagu faray inay iska dhex doortaan Guddoomiye, guddiiyo ku xigeen iyo xoghaye.
Magacyada Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga ayaa kala ah:
1. Xil. Gen.Sadaq Omar Mohamed
2. Xil. Yaasin Abdullahi Mohamud Jeyte (Farey)
3. Xil. Abdikadir Omar Moalin (Daada)
4. Xil. Ali Sheekh Mohamed Nur (Haji Ali)
5. Xil. Abdilatif Musse Nur Yusuf (Sanyare)
6. Xil. Roda Arab Sharif Abdi 7.
Xil. Khadra Mohamed Tukale Coofle
8. Xil. Aidarus Salah Yusuf Sugule
9. Xil. Abdikariim Abdow Haydar
10. Xil. Abdikariim Omar Hussein
11. Xil. Abdirahman Ahmed Osman
12. Sen. Abdirizak Mohamed Osman
13. Sen. Hussein Mohamed Dahir
14. Sen. Hassan Idow Kobac
15. Sen. Farhan Ali Hussein
Xubnaha Guddiga waxaa lagu wargeliyay inay kulamadooda ugu horeeya ay doortaan Guddoonka Guddiga (Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghaye, iyadoo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka,la faray inuu magacaabiddan uu u gudbiyo Safaaradda Dowladda Turkey ay ku leedahay Soomaaliya, si safaaraddu ay ugu sii gudbiso Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkey.