Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Amar kasoo saaray Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ee dalka [Akhriso]

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa amar kasoo saaray dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka.

Guddoomiye Mursal ayaa Qoraalkii xalay uu shaaciyey ee looga tanaasulay Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha ayuu Guddiga Cadaaladda ee Baarlamaanka Faray inay si degdeg ugu howlgalaan hirgelinta dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka.

“Guddiga Awqaafta, Arrimaha diinta iyo Awqaafta ee Golaha shacabka waxa la farayaa inuu si degdeg ah ula howlgalo wasaaradda cadaalladda  si loo hirgeliyo sharciga Lr. 23 ee ku saabsan dhismaha Maxkamadda Dastuurka ee ku xusan Qodobka 109B ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya”. ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka ku yiri qoraalkiisa.

Maxkamadda Dastuurka ayaa la filayay in muddo kooban lagu dhiso kadib doorashadii dowladii hore sanadkii 2012, iyadoo weli aan lagu guuleysan inaan la dhiso, waxayna hortaagan tahay in dhismaha Garsoorka iyo fasiraadda Dastuurka, waxaana loogu baahan yahay si mooshin loogu qaado madaxweynaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON