Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxtooyada iyo Xukuumadda ay go’doon cusub geliyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo Madaxtooyada uga guuray xayiraad la saaray dhaqdhaqaaqiisa.
Ciidamada cusub ayaa la dhigay saddex wado oo gala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo ah halka uu ku yaallo Hotelka Shabeell ee uu degay Guddoomiye Mursal, waxaana ciidamada la siiyey amar inaysan sii deynin xildhibaannada u socda Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Arrintan ayaa mar kale keentay inay xildhibaannada keenay mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha ay dhibaato ku noqoto sidii ay ula kulmi lahaayeen guddoomiyaha Baarlamaanka, arrrintaas oo uu shirkiisii jaraa’id ee shalay ku xaqiijiyey guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo ugu baaqay xukuumadda inay joojiso tacadiyada ay kula kaceyso xildhibaannada Baarlamaanka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xildhibaanada ka horjeeda madaxweynaha Soomaaliya ay maalmihii ugu danbeeyay wadeen olole ay beesha caalamka ku qancinayaan khaladaadka dowladda madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre.