Monday, June 23, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Guddiga Maaliyadda ee ay kala direen ku-xigeenadiisa [Sawirro]

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa galabta xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga Maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ee ay kala direen ku xigeenadiisa, isaguna uu dib u soo celiyey.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Guddoomiyaha ayaa dhageystay tallooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen, iyadoo sheegay in howlo badan u yaallaan.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in howlo muhiim ah Guddiga Maaliyadda hor yaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto. “Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Ad

Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), iyadoo ay ka baaqsadeen Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaan weli xal ka gaarin arrinta Guddiga Maaliyadda, waxaana muuqata inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka awoodiisa adeegsanayo, isagoo howlgeliyey Guddigan muranka badan dhaliyey.

- Advertisement -

Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON