Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Safiirka cusub ee dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood, sii amba qaadida heshiiskii ay wada galeen safiirkii hore iyo hay’addaha Turkiga ee Soomaaliya ka shaqeeya iyo guddoonka Golaha Shacabka ee la xiriiray dhismaha xarumaha Golaha Shacabka iyo taageerada Golaha.
Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa safiirka ugu hambalyeeyay shaqada cusub ee Soomaaliya ugu bilaabatay.
” Mudane safiir ku soo dhawaw Soomaaliya, safiirkii hore wada shaqeyn wanaagsan aya naga dhaxeysay waxa ka rajeynaya howlaha qabyada uu ugu tagay inad sii dhameystiri doonto, barnaamijyo cusubna aad dalka ka hirgeli doonto”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.



