Tuesday, June 24, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shaaciyey xilliga uu furmayo Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa maanta shaaciyay xilliga  uu furmaayo Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota, kadib fasax aad u dheer oo ay galeen xildhibaannada Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay , in looga baahan yahay ugu dambeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan inay dalka ku soo laabtaan kuwooda maqan.

“Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018, diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Intiii Xildhibaanada ay ku maqnaayeen fasaxa ayaa waxaa dalka ka dhacay isbedelo kala duwan, gaar ahaan xubnaha Golaha Wasiirada oo isbedelo kala duwan lagu sameeyay qaarkood.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON