Iyadoo kulanka Baarlamaanka Federaalka ee kalfadhiga 4aad uu goor dhow bilowday ayuu guddoomiyaha Baarlamaanka codsi gaara u jeediyey xildhibaannada doodaya.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh oo ka hadlayey furitaankii fadhiga ayaa ka codsaday xildhibaannada ka doodaya xaaladda amniga inaysan buunbuunin dhibaatooyinka jira, ayna ka dhowrsadaan inay Alshabaab dacaayad u sameeyaan sida in cadaalad loo doonto Al-shabaab.
Xildhibaannada qaarkood ayaa shalay xarunta Baarlamaanka ka jeediyey eedo ku wajahan ciidamada dalka, waxayna qaarkood si dadban u amaaneen Garsoorka kooxda Alshabaab oo ay sheegeen in cadaalad loo doonto.