Monday, June 23, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Kismaayo [Sawirro]

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubba.Waxaa garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeen Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha kala qayb galay soo dhawaynta Gudoomiyaha Golaha shacabka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in uu rajayno in shaqo badan ay qabtaan mudada ay Kismaayo joogan isla markana ay wadashaqaynta Baarlamaanka Federaalka iyo midka Jubbaland ay sii xoogeysato.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay booqashada Gudoomiyaha ee Jubbaland isagoo sheegay in ay yimaadeen Magaaladoodii oo aysan marti ahayn.

   

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON