Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo Digniin kasoo saaray Diidmada Lacagta Shilin Soomaaliga

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa digniin kasoo saaray diidmada lacagta Shilin Soomaaliga, isagoo ku eedeeyay inay ka danbeeyeen dad uu ugu yeeray dembiilayaal..

Isagoo ka hadlay Shilin Soomaaliga la diidayo iyo qiimaha doolarka ee sare u sii kacaya ayuu sheegay inay arrintasi ka danbeeyeen dambeeyaan shaqsiyaad dembiilayaal ah, sida uu yiri oo khalkhal gelinaao nolosha bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ku hanjabay in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan cid kasta oo sababta sare u kac ku yimaada sarifka lacagta shilin Soomaaliga ah.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe wuxuu ciidamada amniga dowladda ugu baaqay inay tallaabo ka qaadaan shaqsiyaadka abuuaraya sicir bararka, siagoo Dadka Soomaaliyeed u sheegay in loo bedeli doono lacagahooda marka dalka laga dhaqan geliyo lacagaha cusub ee la qorsheeynayo in la soo daabaco.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay inaan xilliga dhow lasoo daabaceynin lacagta cusub ayna waqti qaadan doonto inta la soo daabacayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON