Waxaa maantaiMagaalada Muqdisho ka dhaceysa Xaflada caleemo saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo hore u shaqo galay.
Munaasabadan oo ka dhaceysa xarunta General Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa ee dalka, Wufuud caalami ah oo dalka Dibaddiisa ka imaanaya iyo xubno kale.
Sidoo kale waxa ka qeyb galaya Munaasabadda Xubno ka socda Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka, sida ay inoo sheegeen qaar ka tirsan xubnaha qaban qaabinaya Xafladan.
Ammaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Munaasabadda ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray wadooyin dhowr ah.
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Khamiistii ina dhaaftay si rasmi ah xilka ugala wareegay Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Golaha shacabka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla shaqooyin badan oo la xiriira Baarlamaanka.