Guddoomiyaha cusub gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamwd (Filish) ayaa maanta markii ugu horeysay intii xilka loo magacaabay tegay kormeer ku tegay xarunta Aqalka dowlada hoose Xamar.
Guddoomiyaha oo hore ugu shaqeynayey mid ka mid hoteelada Muqdisho ayaa waxaa Xarunta Gobolka kusoo dhoweeyay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud gobolka Banaadir, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda Gobolka iyo sida shaqada u socoto.
Caawa ayaa lagu wadaa inuu Guddoomiyaha cusub xilka la wareego, kadib xaflad lagu qaban doono xarunta Gobolka oo dib u dhacday habeenkii Talaadada markii la xiray xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo laga shakiyey.
Gudddoomiyaha cusub gobolka Banaadir ayaa sidoo kale kormeer ku tegay waaxda dad dhigista dowlada hoose Xamar halkaasi oo ay ka socotay howsha bixinta kaararka aqoonsiga iyo dhalashada.








