Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo booqday Degmadii ugu horeysay [Daawo Sawirro]

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey degmada Kaxda ee galbeedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ku soo dhaweeyeen maamulka iyo shacabka degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Mudane Maxamed Ismcaaiil Cabdulaahi ayaa sheegay in Kaxda ay u baahan tahay guud ahaan adeegyadii bulshada, maadaama ay tahay degmdii ugu dambeysay ee ku soo biirta degmooyinka gobolka Benaadir.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed  ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey wafdiga waxa uuna bogaadiyey isku duubnida bulshada degmada, asagoo balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan Amniga iyo dariseynta.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Dheere ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso horumarinta degmadan oo xiligan ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo aas-aas u ah nolosha.

Guddoomiyaha gobolka ayaa xusay in degmada Kaxda ay ku nool-yihiin dad barakacayaal ah oo u baahan gacan qabasho, isagoona ku baaqay in gurmad loo fidiyo, maadaama xiligan ay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

“Dadka ku nool degmadaan waxaa ka mid ah barakacayaal oo waqti hore halkaan yimid iyo kuwo dhowaan ay abaartu soo barakicisay, kuwaas oo u baahan gacan qabasho iyo in laga fakero mustaqbalkooda. Waxaan u baahannahay in aan u jeedsano dhanka horumarinta si aan ku caawinno barakacayaasha in ay noqdaan dad wax soo saar leh oo naftooda ku filan”. Ayuu raaciyey guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in degmada Kaxda ay tahay meeshii ugu horeysay ee uu booqdo, taas oo ka dhigan in maamulkiisa ay ka go’an tahay kor u qaadista horumarka iyo nabadgelyada degmada, isagoona xaqiijiyey in sanadkan 2018 qorshuhu yahay hirgelinta waxqabad muuqda iyo in doorashooyin la gaarsiiyo gobolka Benaadir.

Kormeerkan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku-xigeenadiisa arrimaha amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada iyo Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, wedding and outdoor

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing, suit and outdoor

Image may contain: 7 people, people standing and outdoor

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing

Image may contain: 1 person, crowd, sky and outdoor

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing

Image may contain: 2 people, people standing and wedding

Image may contain: 3 people, people smiling

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and wedding

Image may contain: 42 people, people smiling, crowd

Image may contain: 1 person, beard

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON