Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa magacaabay Guddi gaara.
Guddigan ayaa howshooda noqon doontaa sidii baaritaan ay ugu sameyn lahaayeen kiiska dad barakacayaal ah oo dhammaadkii sanadkii tagey xoog looga saaray dhul ay deganaayeen oo ku yaalla deegaanka KM 13 ee duleedka Muqdisho.
Guddigan ayuu Guddoomiyaha Gobolku faray Guddiga uu magacaabay in baaritaan degdeg ah ku sameeyaan arirntan oo si weyn loo cambaareeyay, iyadoo ay timid kadib cabashooyin is-daba joog ah oo ay Gobolka u soo gudbiyeen dadkii barakacayaasha ahaa.
Guddiga loo xil-saaray arrinkan ayaa ka kooban shan xubnood waxayna kala yihiin:
1 -Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Marwo Basma Caamir Axmed
2- Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi
3- Zakiya Axmed Xuseen
4- Mahad Xuseen Axmed
5- iyo Hodan C/laahi Cali