Tuesday, June 24, 2025

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo Bishii hore ka tirsanaa Xisbiga Waddani ee Somaliland [Akhriso Qoraal]

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo maanta uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa bishii hore uun iska casilay xilkii uu ka hayey xisbiga Wadani ee Somaliland.

Qoraal uu qoray Baashe Axmed kuna socday guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro ayuu isaga casilay xilkii ugu danbeeyay ee uu ka hayey xisbiga Waddani, kasoo ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani 4-tii Bishii April ee sanadkan iyadoo laba maalmood kadib uu is-casilaadiisa aqbalay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro.

Qoraalka is-casilaaddiisa wuxuu Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ku yiri: “Ma jirto wax tabasho ama saluug aan qabo oo aan xilka iskaga casilay, balse kaliya waxaan uga tegayaa arrimo gaar ii ah oo lagama maarmaan ka dhigay go’aankan inaan qaato.. Waxaan kuu caddeynayaa in aan taageero buuxda la garab istaagi doono xisbiga Waddani inta uu ka hananayo guusha iyo hoggaaminta dalka…”

HOOS KA AKHIRSO QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON