Wednesday, June 25, 2025

Muran iyo Dood kulul oo hareeyay shirkii Barlamaanka (Wasiirka Amniga & Taliya NISA oo ka baaqsaday)

Muran xoog leh iyo dood kulul ayaa maanta hareysay shirkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib markii ay soo xaadiri waayeen Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Gen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo la sugayay inay hortagaan Baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo arrimaha ammaanka  iyo tacadiyo loo geystay xildhibaano lagu baaray Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dood xoog ka keenay inaan loo hogaansaneyn go’aanada Baarlamaanka, waxayna taasi ku eedeeyay guddoonka Baarlamaanka, iyagoo diiday inay guda galaan ajendayaal kale oo maanta qorsheysnaa inta Baarlamaanka laga hor keenayo  wasiirka amniga iyo taliyaha nabadsugidda.

Xildhibaano ay ka mid yihin Khadijo Maxamed Diiriye, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo kuwo kale ayaa si weyn u dhaliiyay sida Baarlamaanku u jilicsan yahay, waxayn sheegeen inay socdaan tallaabooyin lagu sharaf dilayo Baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad  oo shirka guddoominayay ayaa markii danbe shirka Baarlamaanka ka sheegay inay soo gaartay warqad cudurdaar ah oo ka timid wasiirka Amniga oo uu ku sheegay in waqti kale loo qabto kadib 25-ka Febraayo, wuxuuna guddoomiye ku xigeenka Mahad Cabdalla sheegay in xilligaas Baarlamaanku fasax galayo. waxaana arintaasi guux kale ka dhex dhalisay Baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa shirka soo xiray iyadoo aan wax shaqo ah la qaban, wuxuuna sheegay in guddoonka ka tashan doono arrinta wasiirka Amniga. Shirka maanta oo ahaa mid muran iyo buuq ay hareeyaan ayaa sidaasi kusoo xirmay oo lagu kala tegay kadib markii xildhibaanada ku adkeysteen inaanu shirku furmeynin iyadoo aysan imaan wasiirka amniga iyo taliyaha nabadsugidda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON