Thursday, June 26, 2025

Guddoomiyaha Degmada Hodon oo ku dhaawacmay Qarax lala beegsaday iyo Askartii ilaalada u ahayd oo…

Qarax ayaa caawa lala beegsaday Guddoomiyaha degmada Hodon Cabdikariin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun) oo Gaarigii uu la socday ay Miino kula qaraxay agagaarka Dugsiga 21- Oktoobar, degmada Waaberi ee magaa;ada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmadda Hodan ayaa la xaqiijiyey inuu dhaawac kasoo gaaray qaraxa oo sidoo kale ay ku dhinteen laba ka mida ilaaladiisa, waxaana dhaawaciisa la dhigay isbitaalka Erdogan (Ex. Digfeer) ee magaalada Muqdisho.

Xaaladda dhaawaca Guddoomiyaha degmada Hodon C/kariin C/raxmaan Ciise (Dhegajuun) ayaa degan iyadoo dhaawaciisu u badan yahay Lugaha, waxaase qaraxa ku dhintay laab ka mida ilaaladiisa.

Waa Qarixii afraad ee Muqdisho loogu geysto mas’uuliyiinta dowladda, iyadoo mas’uuliyiinta la beegsaday ay ka mid yihiin Agaasimaha Hay’adda Socdaalka, Wasiirka Shaqada iyo Senator Cusmaan Dufle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON