Thursday, April 18, 2024

Guddoomiyaha G/Banadir & ku-xigeenkiisa Maaliyadda oo markii la heshiisiiyey kadib la kulmay Wasiirka Maaliyadda

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha G/Banaadir iyo ku-xigeenkiisa dhinaca maaliyadda oo dhowaan la heshiisiiyey, markii uu khilaaf soo dhex galay.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda maaliyadda ayuu Wasiirka Maaliyadda kala hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo ku-xigeenkiisa dhinaca Maaliyadda Ibraahim Dheere arrimaha maaliyadda maamulka Gobolka iyo wadashaqeynta labada dhinac..

Ad

Wasiir Beyle ayaa sheegay inay isla soo qaadeen dardargelinta kobcinta dakhliga dalka iyo sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna intaas ku daray inay ka go’an tahay in si wadajir ah ugu wada sahqeeyaan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa oo dhex galay is faham la’aan ka dhalatay cadaadis uu Guddoomiyaha cusub saaray ku xigeenkiisa dhinaca maaliyadda, isagoo shaqadiisa qeyb ahaan ay qabanayeen agaasimeyaasha ka hooseeya, waxaana ugu dambeyn khilaafaasi waanwaan ka dhex sameeyay xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo kulan isugu keenay labada mas’uul oo hadda ay wada-shaqeyn u bilaabatay.


Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON