Sunday, July 20, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo ku dhawaaqay qabashada Shirweynaha Amniga Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabic Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho lagu qabanayo shirweyne looga hadlayo amniga magaalada Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay kulan lagu  daah furay Barnaamijka Deriseynta Degmooyinka Gobolka  oo ka dhacay degmada Kaxda ayuu sheegay in 7-da Janaayo ee sanadka 2018-ka ay qaban doonaan shirweyne uu ugu magac daray Wadatashiga, Nabadeenta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir.

Guddoomoiye Taabit ayaa sheegay in shirkaasi looga wada hadli doono sidii loo gaari lahaa  Nabad Gobolka Banaadir ka dhacda iyo sidii xal loogu heli lahaa xaaladda caasimadda ee dhinaca amniga, iyadoo  shirka ay ka qeyb geli doonaan dad ehel u ah arrintaan.

Wuxuu kaloo ka hadlay qorshaha maamulkiisa ee aadan soo celinta Cadaaladda si meesha looga saaro musuqmaasuqa, wuxuuna shacabka Muqdisho ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Maamulka, una gudbiyaan dadka ay ka cabanayaan, isagoona ballanqaaday inay  tallaabo degdeg ah ay ka qaadi doonaan dadkaasi haddii uu warkooda gaaro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON