Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa mar kale ku dhawaaqay maanta xilliga uu furmayo shirka nabadeynta iyo horumarinta Muqdisho.
Shirkan oo baaqday 7-dii Bishan Janaayo ayaa warar kala duwan kasoo baxeen sababta baaqashadiisa, waxayna Goobjooge.net ogaatay inuu dib u dhigay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo doonaya inuu ka qeybgalo shirkaasi.
Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa ku dhawaaqay in shira uu Muqdisho ka furmayo 28-ka Bishan January, isgoo sheega inuu sidii loogu talagalay uu u qabsoomi doono, waxaana horeba loo diyaariyay ergo ka badan 300 qof oo shirka ka qeybgalaya.