Sunday, June 22, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo mar kale dalbaday in Ammaanka Muqdisho lagu wareejiyo Maamulkiisa

Guddoomiyaha gobolka Benaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in ciidamada ammaanka ee gobolka Benaadir si toos ah loo hoos keeno maamulka gobolka si wax looga qabto ammaanka caasimadda.

Xeer lambar Laba ee soo baxay sanadkii 1963 ayaa amraya in hay’adaha amaniga gobolka ay hoos yimaadaan maamulka gobolka. Guddoomiye Thaabit oo munaasabadda 74guurada aasaaska ciidanka booliska ka hadlayay ayaa mar kale ku celiyay baahida loo qabo in maamulka gobolka Benaadir iyo ammaankiisa la is waafajiyo si loo helo isla xisaabtan dhab ah oo dhanka ammaanka ah.

“Waxaan daadejiinnay awoodda maamul ee dhammaan qeybaha gobolka Benaadir, taas waxaad ka arkeysaan horumarka aan dhan walba ka sameynay. Waxaan rumeysannahay haddii awoodda amniga sidaas oo kale loo daadejiyo in aan horumar la taaban karo ka sameyneyno waliba muddo kooban” ayuu yiri guddoomiye Thaabit.

Thaabit Cabdi ayaa dhowaan soo bandhigay barnaamij loo bixiyay “Isha Xaafadda” oo isku xiraya hay’adaha ammaanka iyo shacabka reer Muqdisho, kaas oo ka soo billaabanaya tabbeelle, Waax, Xaafad ilaa Degmo kaas oo booliska iyo nabad sugidda u suurtagelinayo in ay xog ka helaan shacabka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON