Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo sanadka cusub la qaatay ciidamada ku sugan Koortaroolada Muqdisho [Sawirro]

Guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa xalay saqdii dhexe munaasbadda sanadka cusub ee 2018 kula qaatay ciidamada ku sugan koontaroolka Muqdisho, isagoo booqday degaanka siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Thaabit ciiidamada ku sugan Siinka dheer ka wareystay xaalada ciidamadaas, isagoo ku bogaadiyey shaqada culus ee ay dadka u hayaan, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada oo ka warramay xaalada amni ee wadada ugu muhiimsan ee soo gasha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay dhabar adeyg muujiyeen oo amniga caasimadda ku tiirsan yihiin, iyagoo ka hor tegay qaraxyo iyo falal amni darro oo ay Al-Shabaab la damacsanaayeen magaalada Muqdisho.

“Sanad wacan oo wanaagsan 2018. Wuxuu sanadka cusub inoogu dhashay Siinka Dheer oo ah halka lagu kontoroolo gawaarida soo gasha Gobolka Benaadir dhanka Shabeelada Hoose – Afgooye. Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa Ciidamadeena duruufaha adag oo ay inagu difaacayaan. Dabaysha, dhaxanta, roobabka & qoraxda oo ay heegan ku yihiin habeen & maalin. Waxaan sidookale booqanay dhoor baro kontarool oo magaalada daafaheeda ah si aan ciidankeena ula wadaagno farxadda sanadka cusub una dhiirigelino..” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada ee halkaasi ku sugan, sidoo kale Taabid ayaa la hadlay Ciidamada amaanka ee halkaasi saldhigga ku leh, waxa uuna u balan qaaday in ay Dowladda la qaybsan doonto dhibaatada il gaar ahna lagu eegi doono daruufaha adag.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON