Thursday, April 25, 2024

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Shaqadii ka joojiyey ku-xigeenkiisii Howlaha Guud [Akhriso]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa soo saaray qoraal uu shaqada uga joojiyey mid ka mida ku-xigeenadisa oo ah Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Howlaha Guud Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Qoraalka Yariisow ayaa lagu eedeeyay guddoomiye ku xigeenka inuu ku kacay Amar diido iyo Shaqo curyaamin iyo inuu caqabad ku yahay howlaha horumarinta Gobolka Banaadir, waxaa kaloo Yariisow uu ku eedeeyay ku xigeenkiisa uu shaqada ka joojiyey inuu shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Engineeriyadda iyo inuu amray joojinta mashruuca dhismaha lGaroonka Qoob-dooro ee degmada Kaaraan.

Waa markii ugu horeysay ee guddoomiye G/Banaadir uu ku xigeenkiisa shaqo ka joojiyo, iyadoo mar kaliya lagu wada magacaabay wareegto madaxweyne, waxaana ay imaaneysaa iyadoo madaxweyne Farmaajo uu dhowaan xilkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda G/Banaadir Xuseen Maxamed Nuur.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in maamulka Gobolka Banaadir ay hareysay maamul xumo baahsan iyo musuq, taasoo keentay in maamulkii Gobolka dhexdooda isla shaqeyn waayaan oo isku dhacaan, waxayna guddoomiye ku xigeenada hore uga cabanayeen inaysan la shaqeyn karin Yariisow.

AKHRISO QORAALKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON