Monday, June 23, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo si kulul uga hadlay weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid, Dalab adagna u diray dowladda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed ayaa si kulul uga hadlay ciidamo maanta baaritaan ku sameeyay Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

“Wax la aqbali karo ma ahan in muwaadin si sharci darro ah gurigiisa lagu weeraro, familkiisana argagax loogu geysto, iskaba dayee Senator Qaran oo xasaanad buuxda leh. Waa in sharciga si degdeg ah loo horgeeyaa kuwa falkan argagax leh geystay iyo cid alaale cidii amarkaas bixisay..” ayuu yiri Guddoomiye Taabit oo dhinaca kale dalbaday in amniga caasimadda lagu wareejiyo maamulka G/Banaadir.

Mudane Taabit ayaa sheegay inuu aad ugu xun yahay falkii argagaxa lahaa ee loo geystay familka & Hoyga Gudddomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Gole ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xassan Cawaale (Sen Cabdi- Qeybdiid). Isagoo tegay Hoyga Senator Cabdi Qeybdiid soona soo arkay dhibkii meesha ka dhacay.

Ad

Wuxuu dalab u diray madaxda sare ee dowladda Federaalka. “Waxaan markale cod dheer ugu baaqayaa Dowladda Federaalka in Amniga Gobolka Benaadir sida sharciga uu qabo si toos ah loo hoos geeyo Golaha Amniga Gobolka Benaadir si mas’uuliyadda amniga Gobolkan u yeelato Isla-xisaabtan dhab ah” ayuuna yiri

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON