Tuesday, June 24, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo War kulul kasoo saaray dhalinyaro lagu dilay Degmada Xamarweyne [Dhageyso]

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si kulul uga hadlay dilalka qorsheysan ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan laba dhalinyarro ah oo xalay lagu dilay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in maalin waliba dadka Shacabka ah lagu dilo gobolka Banaadir, xanuunka iyo murugadana ay saameysay dadka Muqdisho wixii ka danbeeyay qaraxii weynaa ee Isgoyska Soope  ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa dalbaday in caddaaladda ka la horkeeno kuwii ka danbeeyay dilkii xalay ka dhacay degmada Xamarweyne, isagoo hay’addaha amniga dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay si degdega gacanta ugu soo dhigaan dadka ka danbeeya dilalka qorsheysan ka dhaca geysta Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale wuxuu dadka Muqdisho ugu baaqay inay gacan ka geysteen sugidda ammaanka caasimadda oo iyagu ka bilowdo ammaanka.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON