Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish) ayaa magacaabay Guddi odayaal ah oo ka shaqeyn doona dib u furista wadooyinka magaalada Muqdisho.
Guddigan oo laga soo kala xulay beelaha Muqdisho ayaa la shaqeyn doona Guddi kale oo uu madax u yahay Guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir ee dhinaca Amniga oo uu hore u magacaabay guddoomiye Cumar Filish, kaasoo ay ka mid yihiin taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda G/banaadir oo howshoodu tahay inay kasoo talo bixiyaan dib u furista wadooyinka ay dowladu xirtay ee caasimadda.
Guddiga Odayaasha oo maanta lagu dhawaaqay waxaa guddoomiye u ah C/qaadir Maxamud Abaabul, guddoomiye ku xigeen u noqonaya Nabadoon Hilowle Macalin, iyadoo ay ka mid yihiin Nabadoonnada Xaashi Xiirey, Cali Camuudi, Suldaan Xasan Cabdi, Caaqil Asad, Suldaan C/llaahi Waamo iyo xubno kale.
Guddoomiyaha G/banaadir oo toddobaadyo xilka haya ayaa sheegay in dib loo furayo wadooyinka magaalada Muqdisho oo dhibaato weyn ay ku qabaan shacabka, laakiin lama oga halka dadaalkiisu gaari doono.