Thursday, June 26, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Amar kasoo saaray Askari qof shacab ah ku dilay Muqdisho [Dhageyso]

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Taabit  Cabdi Maxamed ayaa Tacsi u diray amarna kasoo saaray dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wuxuu tacsi u diray Qoyskii iyo eheladii Marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan oo maanta gacan lagu dilay inta u dhaxeysa Isgoysyada Florance iyo  Geed Jaceyl, degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Marxuumkan ayaa waxaa dilkiia heystay askari ka tirsan ciidamada Amaanka Wadooyinka (Taraafikadda) waxaana Askari dilka geystay la hor keeni doonaa sharciga si loo marsiiyo cadaalada uu mudan yahay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in aan ciidamada Amaanka qeybahooda kala duwan aan laga aqbali doonin in ay shacabka dhibaateeyaan isagoo sheegay in ay arintaasi dhaawac iyo dumin ku tahay Qarannimada.

Duqa Magaaladda Muqdisho Taabit  Cabdi Maxamed
Duqa Magaaladda Muqdisho Taabit  Cabdi Maxamed

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON