Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray wareegto amarro kala duwan lagu soo rogay Gaadiidka xamuulka iyo Booyadaha magaalada Muqdisho.
Gobolka Banaadir ayaa amray in Booyadaha shidaalka qaada aysan magaalada gudaheeda ku socon karin laga bilaabo 7-da Subaxnimo ilaa 8-da Fiidnimo. Dhinaca kale Gaadiidka xamuulka qaada ayaa lagu amray inaysan qaadi karin rar ka badan culeyska Gaariga, kaasoo dhibaato ku ah shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Gaadiidka xamuulka iyo Booyadaha ku wargeliyay amarradan, iyadoo ciddii jebisa lagu ganaaxi doono lacag dhan Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah 10,000,000 Sh.So.
Wareegtada ayaa dhaqangelin doonta saddex maalmood kadib markii la shaaciyo si loo wada gaarsiiyo dadka ay quseyso, iyadoo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.