Monday, June 23, 2025

Guddoomiyaha Gedo oo shaaciyay in Ciidamadii lagu ururiyey gudaha Xuduudka Kenya ay isu dhiibeen….

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee hoostaga dowladda Federaalka Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa sheegay in askartii Jubbaland abaabushay ee xuduudka Beledxaawo dhinaca Kenya ku sugnaa ay qaar badan oo ka mida kasoo goosteen isuna soo dhibeen ciidamada dowlada.

“Wiilal dhainyaro Soomaali ah oo laga keenay Kismaayo, Dhoobley iyo Ceelwaaq ayaa la keenay Xuduudka gudaha Kenya, waxaana soo abaabulay Axmed Madoobe, C/rashiid iyo Kaliil si ay ula dagaalamaan ciidamada dowlada… Dhalinyraadaasi intooda badan waa soo baxsadeen haddana waxay joogaan Beledxaawo… aad baan ugu mahad celinayaa..” ayuu yiri guddoomiye Macalimuu oo maanta dib ugu laabtay Doolow markii uu muddo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dhalinyarada la qalday ay soo ururiyeen sida uu yiri Musharixiinta Mucaaradka ah ee Xamar ku sugan ee hore u sheegay in lahaa ciidamada dowladda halaga soo saaro Gobolka Gedo.

Ad

Gudoomiyaha Gobolka Gedo  Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa dowladda Somaaliya ku sheegay inay ka gudubtay xiligii ay tabarta yareyd, isla markaana si weyn loo xoojiyey ciidamada dalka, wuxuuna u mahad celiyay madaxweyne Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON