Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hor yimid xubnaha lagu kordhiyay Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, wuxuuna sheegay inaysan aqbali doonin in dadka ku nool magaalada Muqdisho ay xuquuq la’aan noqdaan wax metelaad ahna laga siin waayo Aqalka sare.
Guddoomiye Yuusuf Jimcaale ayaa ku dooday in magaalada Muqdisho la soo hadal qaadi waayo, iyadoo la balaarinayo xubnaha Aqalka sare aanay u qaadmi karin dadka ku nool Gobolka Banaadir ayna ku tahay xaq darro weyn.
DHAGEYSO GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR
Goobjooge.com