Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Qarax miino lagu weerarray Gaari ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka Gobolka Sh/hoose iyo degmada Qoryooley.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu haleelay Gaari aya la socdeen xubnaha Maamulka degmada Qoryooley, wuxuuna ka dhacay Tuulada Abiikarow ee duleedka Shalanbood, iyadoo lasoo weriyey inuu ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenkii Amniga degmadda Qoryooley Cabdi Axmed, xoghayihii degmadda oo magaciisa lagu soo gaabiyay Laqamow iyo Weriye lagu magcaabo Saalax Kalgacal.
Guddoomiyaha Gobolka Ibraahim Cali Najax oo ka mid ahaa xubnaha qaraxa lala beegsaday, kana badbaaday ayaa qirtay in jidka loo dhigay miino ayna ku qaraxday iyagoo ka digtoon, lakiin wuxuu sheegay in afar ka mida ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen, iyadoo qaraxa uu ka dhacay Degaanka Beledul amin ee u dhow Shalanbood.
Qaraxa maanta ayaa ka danbeeyay dagaal ay shalay Alshabaab degmada Qoryooley oo lagu dilay 9 qof oo shacab ah kuwaas oo 5 ka mid ah ay Haween ahaayeen halka inta kale ay rag ahaayeen, waxaana ku dhaawacmay 10 qof oo kale.