Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/risaaq Khaliif oo ah ninka awood ahaan ugu sareeya Somaliland oo kasoo jeeda Beesha Laascaanood ayaa markii ugu horeysay ka hadlay colaadda Gobolka Sool, isagoo Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay dagaalka.
Guddoomiyaha wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo nabadda loo qaaday ayuu sheegay inuu fashiliyey, isagoo caddeeyay inuu Muuse Biixi diiday inuu ciidamada Somaliland ku celiyo Xeryahooda, isla markaana Somaliland ay mar kasta soo saareysay warar ku saabsan in dagaalka Laascaanood ay wadaan Argagixiso ay soo abaabushay.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/risaaq Khaliif ayaa si kulul u caddeeyay in duqeyn aan loo aaba-yeelin lagu qaaday magaalada Laascaanood, lana duqeeyay meel kasta oo uu ka mid yahay Isbitaalka oo ay dhiseen Midowga Yurub, ayna ku barakaceen dagaalka dad ka badan 200-kun qof.
“Denbi dagaal ayaa dhacay… Anigoo magaalada jooga ayaa ka bam gareeyay, iyadoo uu amarka dagaalka ksoo fulayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi…. Waxaan halkan ka caddeynayaa, wax kasta oo la isku dayay oo nabad ah inuu ka hor yimid Madaxweynaha (Muuse Biixi)..” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.
Wuxuu Muuse Biixi kula taliyay inuu ciidamada ka saaro degaanada Sool, isla markaana uu fuliyo qodobadii ay dalbadeen Garaadadii, si aanu dadka degaankaasi ku nool uga tegin colaad raagta oo daba dheeraata.
Xaaladda Laascaanood ayaa ka sii dartay markii dagaal culus uu shalay ka dhacay, isla markaana ciidmaada Somaliland laga qabsaday Xeradii Guulwadayaasha, waxayna ciidamada Somaliland saaka banneeyeen xadkii kala dhaxeeyay Puntland ee Tukaraq.
